Maashaa allaah
Hambalyo Gudoomiye
& Guud ahaan Xisbiga Hanoolaato waa Howl lagu farxo waxaa rajeynayaa in xisbiga Guulihiisa ay sii raagaan.

Walaalayaal aan gacmaha is Qabsano si aan u Guuleeysano una badbaadino Qarankaan Soomaaliyeed ee beey laha ah oo cadoowga faragelinta ku haayo.

Dalkaan waxaa muhiim ah in loo istaago oo laga xureeyo Cadoowga Qaranimada Soomaaliyeed kuwaasoo kala ah:-
1.Hoggaamiye Kooxeedyadii hore oo Shaati Xil Xasaaneed wada wata iyo Hoggaamiye kooxeed yada cusub ee Madaxda Dowlad Goboleedyada.
2.Qaran Dumis Ganacsato ah oo Masaalix u arka in ay Dan ugu jirto Dowlad la’aan si aan loo xisaabin loona koontaroolin iyo cashuurta ku waajibtayna aan looga Qaadin.
3.Qaran Dumis Jawaasiis Caalami ah oo u wada shaqeeyo Dowlado Ajaanib ah kuwaasoo ilaaliya Masaaliixda ama Danaha Dowladahaas ay u shaqeeyaan iyagoo ah Muwaadiniin Soomaaliyeed oo xilal u haaya Dowladda Soomaaliya (Dalka Dhibaatada ugu xun waxaa ku haayo Jawaasiista Caalamiga).

Fadlan aan midoowno oo u midoowno si aan Dalkaan iyo Umadaan beeylaha ah u badbaadino waxaana ku badbaadin karnaa in la helo xisbi Mideesan oo xukunka dalka Guud ahaan Talada Dalka la wareego Sida Tusaale ahaan loo badbaadiyay Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga xisbiga uu hoggaamiyo Erdogaan AK-PARTY.

MAHADSANIDIIN

Sidee xisbigaan HANOOLAATO ugu sara kicinaa Awoodiisa & Tayadiisa si loo helo Badbaado Qaran.

Qof waliba ama xubin waliba waxaa waajib ku ah Talo iyo Waxqabad si loo wada guuleeysto fadlan soo dir Taladaada iskuna xilqaan waxqabad joogta ah Dalkaan wuxuu badbaado karabaa Dhalin yaradeena jiilka cusub ama Dhiiga cusub.

Fadlan walaalayaal hala isasoo xaadiriyo Soo Qor magacaaga Goobta aad joogto iyo Teleefan Nomperkaaga si loo sameeyo Adeeg cusub oo xiriirka fududeeya oo ah Whatsup Group hadda waxaa isasoo xaadiriyay ilaa hadda Saddex Qof soo dhawaada oo u kaca umadiina badbaadin Qaran haloo kaco.

Talo Qaas ah Xubnaha ku Nool Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliyeed waxaa u soo jeedinayaa in howsha xoogeeda laga kiciyo lagana bilaabo Muqdisho si niyadda Xubnaha u sara kacaan oo Loogu daydo Xubnaha xarunta Dhexe xisbiga waana halboolaha Xisbiga haddii aan la horumarinin waxba nooma suura galeeso ee fadlan aan badino Kulamada iyo Uruurinta Talooyinka wax ku oolka ah, waxaana hoowshaas isku xirkeeda uga fadhinaa inshaa allaah Gudoomiyaha Guud ee Xisbiga iyo Gudoomiye Kuxigeenada 1aad Marwo Saynab iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha inshaa allaah Guul iyo Gobanimo ayaa hisbiga u wada rajeyneynaa inshaa allaah.

Marlabaad
Mahadsanidiin
Mudane ismaaciil Xasan isaaq
Xoghayaha Cadaalada iyo Garsoorka xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed HANOOLAATO
Muqdisho-Soomaaliya

Somalia Hanoolaato

Xisbiga Hanoolaato